Home » Hogaamiyaasha bulshada  ma waxay ka fureen Bariga St. Paul xafiiskii ugu horaysay oo bixiya adeegyada shariciga soo galootiga oo ah tii ugu horaysay 25kii sano ee la soo dhaafay?
Immigration

Hogaamiyaasha bulshada  ma waxay ka fureen Bariga St. Paul xafiiskii ugu horaysay oo bixiya adeegyada shariciga soo galootiga oo ah tii ugu horaysay 25kii sano ee la soo dhaafay?

image-3

Xaafada East Side ee magaalada St. Paul ayaa waxaa laga furay  xarun ka caawisa soo galootiga adeega sharciga oo qiimahiisu aad u jaban yahay.   Xaflad lagu daahfurayo xaruntaan cusub ayaa la qabtay talaadadii la soo dhaafay, taas oo ka dhigaysa xaruntii ugu horaysay  oo heer Federaal ah oo laga furo St. Paul  25-kii sano ee lasoo dhaafay. Ujeedada loo asaasay ayaa ah bixinta adeeg matalaad sharci oo jaban xili baahida loo qabo adeegaasi ay soo badatay.  

Xaruntan cusub oo ay hogaaminayso Jourdan Suos, ayaa laga furay  dhismaha kaniisada mosaic Chistian Community, taasoo ka dhigaysa mid si sahlan loo heli karo bulshadana u adeegto. Hay’adaan ayaa labilaabay bishii Feebaraayo waxana uu tan iyo xiligaas siinaysay magangalyo doonka   talooyiin ku saabsan sharciga  dadka haysta deganaanshaha rasmiga ah, iyo shakhsiyaadka raadinaya caawinta xaaladdooda socdaalka.

Mid ka mid ah ujedada loo asaasay  xarunaan ayaa ah  in si dhamaystiran loo daboolo baahiyaha bulshada. Si taas loo gaaro, wakiilada Immigrant Connection Mosaic waxay ka heleen aqoonsi Wazaarada Cadaaladda, taasoo u oggolaanaysa inay siiyaan macaamiisha taageerada sharciga socdaalka, in kasta oo aysan iyagu ahayn qareeno. Gobolka Minnesota, waxaa jira 17 goobood oo la aqoonsan yahay, laakiin   Immigrant Mosaic Connection waa kii ugu horreeyay oo  noociisa ah oo laga furo St. Paul tan iyo 1998-dii.

Xaruntu ayaa durbaba ku guulaysatay in ay hesho taageerada shaqaalaheeda iyo bulshada deegaankaba. Saddex qareen iyo ku dhawaad 10 shaqaale maamul oo mutadawiciin ah ayaa ka shaqeeya kuwaas oo ku hadla luqado kala duwan  si dhamaan macaamiisha loogu adeego.   

Adeegyada ay bixiso Immigrant Connection Mosaic waxay xooga saarta caawinta dadka doonaya in ay  noqdaan muwaadiniin Maraykan ah. Intaa waxaa dheer, xaruntu waxay ka caawisaa macaamiisha buuxinta foomamka federaaliga ah ee looga baahan yahay  cusboonaysiinta degenaanshaha rasmiga. Ilaa hadda, waxay caawiyeen laba macmiil si ay u baasaan imtixaanka qaadashada dhalashada maraykanka oo hada sugaya shahaadada.  

Intaa waxaa dheer, xaruntu waxay ogtahay   baahida sii kordheysa ee kiisaska dib-u-midaynta qoysaska oo wuwaadiniin Amerkan ah ay doonayaan in ay keenaan dadkooda. Sababo la xiriira amniga oo la adkeeyay iyo xiritaanka safaaradda, dib u dhaca kiisaskan ayaa sii kordhayay. Shqaalaha Immigrant Connection Mosaic ayaa doonaya in ay wax ka qabtaan  arrintan iyaga oo bixinaya caawimo xagga xeraynta codsiyada qoyska, iyo siinta taageerada ay u baahan yihiin si ay ola midoobaan qoyskooda. 

Si loo xaqiijiyo ka faa’idausiga adeegaan, xaruntu waxay aad hoos ugu dhigtay ujradeeda marka loo eego qareenada gaarka loo leeyahay.  La-talinta bilowga ah waa $40,  hadii macmiilku codsado in loo adeego, waxay bixinayaan ujro dakhligooda ku salaysan. Tusaale ahaan, kiisaska jinsiyadda  ee Imgrant Connection Mosaic waa  $200, halka qareennada gaarka ah laga yaabo inay ku dalacaan   inta u dhaxaysa $500 iyo $2,500 adeeguna waa isku mid.   

Immigrant Connection Mosaic  waxay heshaa tabarucaad ka caawiya  bixinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada. Mustaqbalka, xaruntu waxay dejisatay qorshayaal waawayn  oo ay ku balaadhinayso adeegyadeeda oo ay ka mid tahay shaqaalaysiinta qareen ku takhsusay socdaalka si uu macaamiisheena ugu matalo maxkamadaha, taasoo sare u qaadaysa adeega bulshada.  Shaqaalaha hada jooga iyo kuwa mutadawiciinta ah   waxaa ka go’an inay saameyn   ku yeeshaan nolosha muhaajiriinta iyo qaxootiga gobolka.

Warbixintaan waxa soo tebisay oo xaqiijisay Sahan Journal.

About the author

admin

Add Comment

Click here to post a comment