Home » Maxay tahay sababta ay maxaabiista Minnesota ugu rafaadsan yihiin arrimaha la xiriira socdaalka?
Immigration

Maxay tahay sababta ay maxaabiista Minnesota ugu rafaadsan yihiin arrimaha la xiriira socdaalka?

Immigration 2

Jorge Vargas Perez, oo ah 35 jir haysta deganaashaha Maraykanka hase yeeshee aan wali noqon muwaadin kuna xiran Minnesota ayaa wajahaya caqabado isga u gaar ah.  Ma uusan  awoodin in uu noqdo muwaadin sababo dhaqaale awgeed, Jorge waxaa ka go’an inuu hormariyo naftiisa iyo xaaladdiisa. Maktabada xabsiga ayuu saacado badan ku qaataa, xiriirna la sameeyaa maxaabiista kale ee isga ku kiiska ah, iyo rajada uu qabo in dhaqso la sii daayo, wuxuu haminayaa in uu doodo dadka isaga la midka ah. 

Maadama uusan ahayn Muwaaadin maraykan ah, kaliya haysto deganaasho rasmi ah, Jorge waxaa laga hor istaagay   inuu helo barnaamijyo xabsi oo kala duwan iyo faa’iidooyinka ay heli karaan maxaabiista kale. Tan waxaa ku jira sii-daynta shaqada, barnaamijyada baxnaaninta daroogada, iyo sii-deynta la kormeerayo ka dib marka uu dhammeeyo saddex-meeloodlaba laba xukunkiisa. Xaddidaad noocan oo kale ah ayaa la saaray in ka badan 200 oo maxbuus oo reer Minnesota ah kuwaas oo si sharci ah u deggan laakiin aan ahayn muwaadiniin Maraykan ah. U doodayaasha ayaa ku doodaya in xannibaadahani ay caqabad ku yihiin  fursada dhaqan celinta iyo yaraynta  wakhtiga xabsiga.

Caqabadda ugu weyn ee maxaabiistan ayaa ka timaada booliiska socdaalaka  ICE oo codsada in la ogaysiiyo ka hor inta aan qof aan muwaadin ahayn xabsiga laga sii dayn. Tani waxay ka hortagtaa inay ka qaybqaataan barnaamijyada siidaynta hore oo laga yaabo xaaladaha qaarkood in maxbuuska la musaafiriyo. Xukun kasta oo ka badan hal sano waxaa ay  ICE u aqoonsanaysa dembi culus, taasoo ka dhigaysa maxbuus u qalmo masaafurinta.

Sheekada Vargas Perez ayaa ka tarjumaysa dhibaatooyinka ay la kulmaan maxaabiistan. Kadib markii uu jabiyay tijaabada, waxaa lagu xukumay 65 bilood oo xadhig ah mana awoodin in uu galo barnaamijyada xabsiga sababo la xiriira socdaalka. Go’aankiisii ahaa inuu ka hadlo xariga socdaalka maxbuuska ayaa u horseeday in uu meesha ka saaro dalabka ICE.  In kasa oo ay tani siinayso rajo mustaqbalkiisa, haddana waxa uu wajahayaa caqabado badan  uu ku heli karo sii-dayn hore iyo hagaajinta xaaladdiisa.

Dadaalka Jorge Vargas Perez ayaa qayb ka ah  inuu caawiyo dadka kale ee wajahaya caqabadaha la midka ah kuwiisa. Waxa uu maxaabiista  ay isla xidhan  yihiin ka caawin jiray kiisaska socdaalka, buuxinta foomamka, iyo u doodista xaqooda. Inkastoo caqabadahaan ay  jiraan, Vargas Perez ayaa weli   rajo leh, waxaana ka go’an inuu noloshiisa beddelo, isagoo qorsheynaya inuu qaato shahaadada paralegal   ugu dambeyntiina noqdo qareen.

Si kastaba ha ahaatee, dariiqa dib u hanashada xoriyada   ma aha caqabad la’aan. Xitaa hadii uu kansalay xayiraada Socdaalka , Vargas Perez ayaa wali ku dhibtoonaya sidii loo sii deyn lahaa goor hore. Ciqaab lix bilood ah oo lagu soo oogay kaniini la sheegay in laga helay qolkiisa ayaa dib u dhigay codsigiisa dhaqancelinta iyo barnaamijka tababarka shaqada. Inkastoo uu hadda xaq u leeyahay in uu dib u codsado, waxaa xabsiga uga haray 15 bilood oo kaliya, taas oo adkeyneysa in uu u qalmo barnaamijyada qaarkood.

Xaalada Jorge Vargas Perez waxay iftiiminaysaa baahida degdegga ah ee loo qabo taageerida  maxaabiista aan muwaaddiniinta Maraykanka ahayn ee ku jira  xabsiyada Minnesota. U doodayaasha maxaabiista iyo  shrci yaqaanada waxay xooga saarayaan muhiimada ay leedahay siinta maxaabiista barnaamijyada muhiimka ah, dhaqan celin, iyo kaalmada sharciga, iyadoon loo eegin  muwaadinimada maxbuuska . Waxay ku doodayaan in taageerada noocaas ahi ay muhiim u tahay caawinta shakhsiyaadkan inay beddelaan noloshooda oo ay  dib ugu soo biiraan bulshada marka la sii daayo.

Sida ku cad warbixintaan, go’aanka Vargas Perez ee ah inuu naftiisa hagaajiyo   caawiyana dadka kale ee ku jira xaaladaha la midka ah tiisa  waxay  na xasuusinaysaa  adkeysiga iyo geesinimada ay muujiyeen shaqsiyaad badan oo xiran. Waxa kale oo ay hoosta ka xariiqday baahida loo qabo  in dib u habayn lagu sameeyo siyaasadaha maxaabiista oo cadaalad loo wada sameeyo, taas oo ka dhigan in ay helaan fursad isku mid ah si ay u hagaajiyaan noloshooda iyadoon  loo eegin xaaladooda socdaalka.  

Sheekadan waxa soo tebisay oo xaqiijisay Sahan Journal.

About the author

admin

Add Comment

Click here to post a comment