Home » Barasahda CPR ama dib u kicnta wadnaha iyo sanbabada waxay kaa dhigaysaa badbaadiye naf, laakiin qof walba ma helo fursad uu ku  barto. Sababtu maxay tahay?
Health

Barasahda CPR ama dib u kicnta wadnaha iyo sanbabada waxay kaa dhigaysaa badbaadiye naf, laakiin qof walba ma helo fursad uu ku  barto. Sababtu maxay tahay?

Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday  sinnaan la’aanta baaxada leh ee ka jirta  tabarka badbaadinta nafta ee loo yaqaan (CPR) oo  lagu badbaadiyo caruurta qabta wadna qabadka.  Dr. Manu Madhok, oo ah dhakhtarka carruurta kuna takhasusay daawaynta degdega kana shaqaysa cusbitaalka Children’s Minnesota, ayaa daaha ka qaaday in caruurta ay helaan heerar kala duwan oo gargaarka CPRka ah  marka loo ego isirkooda.  Baaritaanka ayaa lagu ogaaday baahida loo qabo sare u qaadida tababarka CPR iyo in si isku mid ah looga jawaabo  xaaladaha degdegga ah ee wadnaha.

Marka wadnaha ilmuhu joojiyo garaaca, helitaanka CPR degdeg ah  ayaa noqon karta farqiga u dhexeeya nolol iyo geeri. Cilmi-baadhista Dr. Madhok ayaa daaha ka qaaday xaalad murugo badan: caruurta laga tiro badan yahay waxay u dhaw yihiin in aysan gargaarka CPR ka helin taasoo saamaynaysa fursada ay ku badbaadi karaan. Tani waxay hoosta ka xariiqaysaa baahida loo qabo in si dhaqso ah wax looga qabto  sinnaan la’aantan si loo hubiyo in carruurta oo dhan ay helaan fursado nolol-badbaadin ah oo siman.

Daraasadu waxa ay si qoto dheer u baartay CPR-da ay sameeyaan dadka u dhow carruurta qaba wadna qabadka. Natiijadu wxay muujinaysaa farqi wayn in uu u dhexeeyo heerka gargaarka CPR marka loo eego isirka ama qowmiyada ilmaha.    

  • Carruurta caddaanka ah, 75 boqolkiiba waxay helaan qof u sameeeya CPR, iyadoo boqolkiiba 27.5 ay ku guuleysteen inay dib u kiciyaan wadnaha.
  • Carruurta madowga ah, 67 boqolkiiba waxa ay heleen qof  CPR u sameeya, oo lagu guulaysto 20 boqolkiiba , taas oo ka dhigan 35 boqolkiiba in fursada ay kju badbaadi karaan ka yartahay carruurta cadaanka ah.
  • Carruurta Hisbaanik/Laatiinka ah waxay heleen qof u sameeta CPR 68 boqolkiiba  ,    waxaana lagu guulaystaa  24 boqolkiiba, taas oo muujinaysa in boqolkiiba 20 ay ka hooseeyaan suurtagalnimada guusha marka la barbardhigo carruurta cadaanka ah.
  • Carruurta ka soo jeeda qowmiyadaha kale waxay heleen qof u sameeya CPR 69 boqolkiiba, 21 boqolkiiba ayaa lagu guulaystaa , taas oo muujinaysa in 30 boqolkiiba  ay ka fursad yar yihiin marka la barbardhigo carruurta cadaanka ah.

Kala duwanaanshiyahan ayaa naxdinteeda leh sababtoo ah gargaarka CPR waxaa lagu badbaadiyaa nolosha qofka. Haddii aan si dhaqso ah loo helin gargaarkaan, fursadaha badbaadada ilmaha aad bay u yaraanaysaa. Daraasadu waxay soo jeedinaysaa baahida loo qabo barnaamijyo tababar oo dhamaystiran oo CPR ah kuwaas oo ay heli karaan dhammaan bulshooyinka, iyada oo aan loo eegin midabkooda ama qowmiyaddooda.

Sababta kala duwanaashaha tababarka CPR ayaa loo aanayn karaa sababo badan oo ay ka mid tahay tabarka noocaan oo kale ah oo aad ugu yar xaafadaha ay degan yihiin dadka laga tirada badan yahay. Sidoo kale , eexda ayaa door ka ciyaari karta, maxaa yeelay dadka waxay caawiyaan dadka iyaga u eg.   Baaritaanka waxaa lagu ogaaday in takoorka soo jireenka ah ee caafimaadka, iyo tababarka CPRka oo xadidan ay gacan ka geysteen sinnaan la’aantan.

Dadaalka lagu doonayo in lagu soo afjaro farqiga tababarka CPR ayaa durbaba socda. Hennepin Healthcare waxay siinaysaa tabarka CPR  ururada bulshada, iyada oo ujeeddadeedu tahay in la badiyo dadka leh  xirfadaha naf-badbaadinta. Intaa waxaa dheer, sharciga Minnesota ayaa faraya in tababarka CPR la siiyo ardayda dhigata dugsiyada laga bilaabo fasalka 7aad ilaa ay ka qalin jabiyaan dugsiga sare.  

Daraasada waxay cadaynaysaa baahida loo qabo in tabarka CPR loo bixiyo si siman, la baa’biyo eexda, , iyo hubinta in dhammaan carruurta, iyadoon loo eegin asalkooda, ay helaan fursad  ay ku badbaadaan. Maadaama bulshada caafimaadka iyo ururada maxaliga ahi ay ka shaqeeyaan faafinta aqoonta CPR, waxay ujeedadoodu tahay inay abuuraan jawi loo wada dhan yahay halkaas oo ilmo kastaa ka helo taageerada ay u baahan yihiin inta lagu jiro xaaladaha degdegga ah ee nafta halis gelinaya.

About the author

Abdirizak D

Add Comment

Click here to post a comment