Home » Iskuul ku yaala Waqooyiga magaalada Minneapolis, saqafka ayaa dumay, musqulihiina way jababeen. Muxuu qof uun wax oga qaban waaye? 
Education

Iskuul ku yaala Waqooyiga magaalada Minneapolis, saqafka ayaa dumay, musqulihiina way jababeen. Muxuu qof uun wax oga qaban waaye? 

Bilowga sandad dugsiyeedka cusub ayaa soo dhawaaday, balse ardayda dhigata dugsiga JJ Legacy ee waqooyiga Minneapolis ayaa wali garaynayn halka  ay  wax ku baran doonaan. Dugsigaaan ayaa u dabaal degay sida ay oga go’an tahay sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen dadka madow una baabi’in laheen adoonsiga ayaa wajahaya caqabado iyaga oo ka guuraya dhismihii ay deganayeen oo ay leedahayu kaniisada Our Lady of Victory Catholic Church.

Sheekada ayaa bilaabatay ka dib markii maamulka kaniisada ay ka xanaaqeen kirada oon la siin hal sano kadibna ay maxkamada ka codsadeen in dugsiga meesha la saaro bishii May. Si kastaba ha ahaatee, go’aanka dugsigu ku joojiyay bixinta kirada ma ahayn sabab la’aan – waxay ahayd isku daygii ugu dambeeyay ee lagu qasbayay kaniisadda inay wax ka qabato   dayactirka  dhismaha. Sanadihii la soo dhaafay, dhismaha ayay ka muuqatay dayac aad u badan, darbiga oo daxalaystay, biyo daadanaya, iyo burbur ka muuqda saqafka. Hal musqul ayay isticmaaleyeen arday ka badan 100, xaaladuna waxay gaartay heer aan la aqbali karin.  

Tonicia Abdur Salaam, oo ah maamulaha  dugsiga, ayaa ku nuuxnuuxsatay sida degdega ah ee wax looga qabanayo caqabadahaan. Dugsiga JJ legacy waxa uu ku dadaalayaa kobcinta ardayda madowga ah, hormarinta kartodooda, iyo siinta waxbarasho ku haboon dhaqankooda.  

Si ay u muujiyaan cabashadooda, iskuulka wuxuu abaabulay mudaaharaad ay sameeyeen ardayda  bishii 7aad 9keeda si ay u muujiyaan xaaladooda.  Dibad-baxa waxa uu soo jiitay   warbaahino badan, oo ay ku jiraan Minnesota Public Radio, Kare 11, the Star Tribune, iyo North News. Si kastaba ha ahaatee, xaaladdaan ayaa banaanka keentay caqabado ka   jira shuruucda dugsiyada chartarada ee Minnesota.  

Eugene Piccolo, oo ah agaasimaha ururka Minnesota Associataion of charter Schools  ayaa qiray in inkastoo xaaladahan oo kale ay naadir yihiin, haddana ay jiraan xaalado ay dugsiyada charterku degaan dhismayaal liita sababtoo ah ma jiraan ilaalin sharci. In kasta oo sharciyada gobolku ay amrayaan in dugsiyada charter-ku ay u hogaansanaadaan heerarka laga doonayo, hadana ma jiraan kormeer dhamaystitran iyo taakulo dhaqaale oo loogu talo galay dayactir.   

Madmadowga ku jira sharciyada dugsiga ayaa gacan ka geysatay dhibaatada uu hadda ku sugan yahay Dugsiga JJ. Legacy. Guddiga dugsiga, oo ka kooban mutadawiciin, ayaa la tacaalaya wax ka qabashada isbedelkaan baahsan, oo ay u weheliso dhaqaalo yari  taas  oo caqabad ku noqotay  awooddooda inay si sax ah u raacan sharciga. Iyadoo ay jiraan caqabadahaas, maamulka ayay ka go’an tahay in ay ardaydooda siiyaan jawi-tacliimeed oo degan.   

Xaaladaan ayaa  dhalinaysa su’aalo muhiim ah oo ku saabsan la xisaabtanka mulkiilayaasha guryaha,bixiyayaasha shatiga chartarada, iyo in  gobolka hubiyo in iskoolada ay degaan dhismo ku haboon wax barasho. Inkastoo shuruucda gobolka ay tixgalinayaan madaxbanaanida dugsiyada, dhibaatada Dugsiga  JJ Legacy  waxay daaha ka qaadaysaa baahida loo qabo habab aad u adag oo wax looga qabanayo dayactirka iyo khilaafaadka sharci si loo ilaaliyo waxbarashada ardayda.   

Bilawga sannad dugsiyeedka   soo dhaw, JJ Legacy School iyo taageerayaashiisa waxa ay si hagar la’aan ah uga shaqaynayaan sidii ay u hubin lahaayeen kala wareega  ardayda.  Waxay ku haminayaan in dugsigooda   uu ka gudbi karo caqabadahan, isagoo siinaya jawi waxbarasho oo wanaagsan. 

The post was originally published in English on Sahan Journal.

Translated by Abdirizak M. Diis

About the author

Abdirizak D

Add Comment

Click here to post a comment