Home » Maxaa laga dhigayaa dhismihii hore ee Sears ee ku yaala St. Paul?
Uncategorized

Maxaa laga dhigayaa dhismihii hore ee Sears ee ku yaala St. Paul?

Dhismihii hore ee Sears oo ku yaala  St. Paul oo  aan la isticmaalin ku dhawaad shan sano, ayaa  loo badalay  xarun ujeedo badan leh. Dhismahan oo 60-sano jir ah ayaa waxa uu ku yaala meel wax yar ka fog halka laga maamulo  Gobolka Minnesota ee Capitol-ka ee Rice Street. Dhawr jeer ayaa la kala gatay bilihii la soo dhaafay, waxaa u danbeeyay lahaanshaha hay’ad aan macaash doon ahayn oo ku taal  Minneapolis oo lagu magacaabo Asian Media Access waxayna ku gateen lacag dhan $8.2 milyan.

Dhismaha Sears ayaa ahaa goob ganacsi  muddo tobanaan sano, ayaa albaabada loo xidhay dabayaaqadii 2018kii sababo dhaqaale iyo iibsiga oo hoos u dhacay.  Dhismaha, oogaaraya  in ka badan 180,000 foot oo laba jibbaaran   lehna in ka badan 1,000  barkin oo baabuurta la dhigto, ayaa dhib u habayn lagu samaynayaa.

Marshall Nguyen,  oo ah dadkii iibsaday dhismaha , ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha dhismaha uu la mid yahay fikradda Asia Mall, oo uu qayb ka ahaa lagana furay  Eden Prairie. Aragtida waxaa ka mid ah guryo la dago oo jaban, tukaamo, Maqaayado, xarunta xafladaha,  iyo adeegyo kala duwan oo loogu talagalay in lagu soo jiito  macaamiisha.

Asian Media Access waxay rabtaa inay u beddesho dhismihii hore ee Sears goob  ujeedo badan leh. Shirkoodii ugu danbeeyay, ururku wuxuu falanqeeyay waxyaabaha  suurtagalka ah ee loo isticmaali karo  dhismaha, oo ay ku jiraan iskool, xarunta munaasabadaha, goobo lagu cuneeyo ,  isboortiga, iyo xadiiqad. Mashruucan ayaa la filayaa in uu socon doono muddo labo sano ah, waxaana uu u baahan doonaa maalgelin dib u habeyn ah, kaas oo hadda maraya heer gabagabo ah.

Qiimaha lagu qiyaasey dib u cusboonaysiinta, marka lagu daro qiimaha lagu gaday dhismaha, waa ku dhawaad $15 milyan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira caqabado qaar oo soo socda, oo ay ku jiraan ka faa’iidaysiga dabaqa labaad ee dhismaha, kaas oo laga yaabo in laga dhigo   dhismo isboorti oo sugaya ansixinta injineerka qaabdhismeedka.

Waxaa intaa dheer, Guddiga Dhismaha iyo Qorsheynta ee Aagga Capitol, oo mas’uul ka ah ansixinta qorshayaasha dib-u-habaynta ee agagaarka Capitol-ka Gobolka, waa in ay taageeraan mashruuca. Guddigu waxay hore u diideen  hindisaha  dibu dhiska ee mulkiilihii hore, Seritage, ee goobta. Waa la arki doonaa in aragtida Asian Media Access ay la jaanqaado rajada guddiga ee mustaqbalka hantida.

Warbixintani waxaa soo tebisay oo xaqiijisay Sahan Journal.