Home » Maxaa ku dhacay dugsiga East African Magnet ee ku yaal Saint Paul?
Uncategorized

Maxaa ku dhacay dugsiga East African Magnet ee ku yaal Saint Paul?

Bartamihii May oo ahayd maalin aad u kulul, Dugsiyada Dadweynaha  St. Paul waxay soo bandhigeen  qorshe bilow ah oo lagu furayo dugsi hoose oo magnet ah oo ku salaysan dhaqanka Bariga Afrika, iyo in dugsiga la furo sadex bilood gudahood kaliya.    Ogaysiiskaan ayay aad ugu riyaaqeen   bulshada ka soo jeeda Bariga Afrika. Waxaa goob joog ahaa  Duqa magaalada Melvin Carter, xubnaha golaha magaalada, xubnaha guddiga dugsiga, iyo sharci-dejinta gobolka.

C/salaan Aadam oo ah maamulaha cusub ee dugsigaasi loo magacaabay ayaa ku tilmaamay  arrin taariikhi ah. Isaga oo ka hadlaya munaasibadii lagu shaacinayey dugsigaan, waxaa uu ku nuuxnuuxsaday ahmiyadda dugsigu leeyahay, waxaana uu yidhi, “Waxan rajaynayaa in aan buuxin doono dhamaan fasalada si aan hormar u wada samayno iskuna dheeli tirno nolosha Maraykanka iyo dhaqankeena”.

Kormeeraha guud ee Dugsiyada St. Paul Joe Gothard  ayaa  qiray caqabada wakhtiga oo aad u yar hase yeeshee furitaanka dugsiga aanan dib loo dhigi karin.  “Waxaan eegay dadka ila shaqeeya, waxaanana ku dhahay hadii ayanan hada furin dugsigaan goorma ayaan furaynaa?”   ayuu yiri.

Ardada iska diiwaan galisa dugsiyada degmada ayaa hoos u dhac wayn ku yimi sanadihii u danbeeyay,   iyadoo arday badan ay doorteen dugsiyo charter ah oo fahansan dhaqamada bulshooyiinka soo galootiga ah.  Gothard ayaa tilmaamay muhiimadda hindisahani,wuxuuna yiri, “Waxaad samayn kartaa waxyaabihii la samayn jiray, xaalkuna sidiisii unbuu ahaanayaa, ama  waxaad ka faa’idaysan kartaa fursada taariikhda gali karta” 

Dugsigan cusub oo lagu magacaabo  Dugsiga Hoose ee Bariga Afrika oo ku yaalla dhisme hore  oo ku yaalla xaafadda  Frogtown ee St. Paul, ayaa ujeeddadiisu ahayd in ay qaataan dhaqamada kala duwan ee dadka ka soo jeeda Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, Sudan, South Sudan, Tanzania, iyo Uganda.

Cabdisalaam Aadam, oo ah bare ruug-caddaa ah, kana mid ahaa macallimiintii Soomaaliyeed ee ugu horreysay   Minnesota, ayaa la wareegay doorkii maamulaha. Waxaa uu la wareegay masuuliyada qorista ardayda, shaqaalaysiinta macalimiin ku hadla luqado badan, iyo diyaarinta dhismaha sanad dugsiyeedka cusub. Isagoo ka hadlaya caqabadaha jira, Cabdisalaan wuxuu yidhi, “Waa xaqiiq, ee ma ahan riyo hada”

Inkasta oo ay isdiiwaan galinta  ardada ay tahay caqabad,  haddana dadaalka Cabdisalaan waxa uu keenay natiijooyin wax ku ool ah, iyada oo 70% ardayda dugsiga ee fasalka koowaad ilaa shanaad ay ka soo beddesheen dugsiyo ka baxsan kuwa degmada. Shaqaalaha iyo taageerada bulshada ayaa dowr muhiim ah ka ciyaaray guusha.  

Markii sannad dugsiyeedku soo dhawaaday, Cabdisalaam waxaa uu ku dadaalay in uu shaqada u danbaysa dhameeyo si uu si habsami ah u bilowda sanad-dugsiyeedka.  Waxa uu muujiyay sida uu uga xun yahay cabsida xooggan ee bulshada iyo sida dadaalkooda u noqday mid miro dhal ah oo keenay Dugsiga Hoose ee Bariga Afrika. 

Dabayaaqadii Agoosto waxaa la arkayay arday iyo waalidiin badan oo doonaya in ay wax ka ogaadaan iskoolka cusub. Farxad ayaa camirtay dhismahaan cidlada ahaan jiray.  Khadra Hussien, oo ah macalimad, ayaa sheegtay in ay rabtay in degmada laga furo dugsi sidan oo kale ah. “Runtii aad ayaan u faraxsanahay,” ayay tiri Khadra. “Waxaan rabaa inaan ka mid noqdo taariikhda.”