Home » Warbixinta 1aad:  Sharciga suurta-galka ah ee Magaalada Minneapolis, sidee buu u wajahay codiga darawalada Uber iyo Lyft ee ku nool minneapolis?
Housing

Warbixinta 1aad:  Sharciga suurta-galka ah ee Magaalada Minneapolis, sidee buu u wajahay codiga darawalada Uber iyo Lyft ee ku nool minneapolis?

Magaalada Minneapolis

Dareewalada Uber iyo Lyft ee ka shaqaysta Minneapolis, oo ku midaysan  ururka Minnesota Uber & Lyft Driver’s Association (MULDA), ayaa  shir jaraa’id ku qabtay  hoolka Dawladda Hoose ee Minneapolis July 25keedii 2023. Waxay codsadeen in la siiyo ujro wanaagsan iyo hagaajinta  goobta shaqada. Shirka jaraa’d waxaa goob joog ka ahaa  xubno ka tirsan golaha deegaanka kuwaas oo taageeraya xeer la soo jeediyay oo saameyn weyn ku yeelan kara noloshooda.

 Farxan Bedel oo ka mid ah darawaliinta Uber, ayaa muujiyay  baahida degdega ah ee loo qabo bixinta wax u qalma shaqadooda ee aysan doonayn in wax loo kordhiyo.  Bedel ayaa Uber u shaqaynayay  tan iyo 2018kii halkaas oo nolol maalmeedka caruurtiisa ka soo saaro.    Wuxuu carrabka ku adkeeyay in darawalada takaasida ay door muhiim ah ku leeyihiin bulshada, gaar ahaan xilliyada adag sida xiligii caabuqa COVOD-19.   Mauricio Castaneda oo ah darawal kale, ayaa muujiyay in uu aad oga xun yahay hoos u dhaca ku yimid ujrada la siiyo halka kharashaadka shaqada iyo nolosha ay sare u kacayaan  sannadihii la soo dhaafay.  Waxa uu sheegay in inkasta oo ay saacado badan shaqaynayeen, haddana ay xaq-darro tahay in la helo $200-250 oo keliya maalintii.

MULDA, oo ah urur ay ku xoog badan yihiin darawalada ka soo jeeda Bariga Afrika, ayaa hore u sameeyay isku dayo aan lagu guulaysan oo ay ku meel marinayaan sharci dhawraya xuquuqda darawalada gobolka oo dhan.  Hindise sharciyeedkas ayaa ka soo gudbay labada aqal hase yeeshee ugu danbayntii gudoomiyaha gobolka Tim Walz ayaa diidmada qayaxan ku laalay.  Tim Walz ayaa qiray in darawalada ay u baahan yihiin mushaar xaq ah iyo ilaalinta badqabka shaqada, wuxuu u arkay hinse-sharciyeedka mid aan shaqaynayn.  Xildhibaanada laga tirada badan yahay ayaa aad u dhaleeceeyay TIM Walz,  kuwaas oo ku eedeeyay inuu diidey sharci lagu dhawrayo xuquuqda dadka laga tirada badan yahay.   Uber iyo Lyft  ayaa si adag uga soo horjeestay  sharciga waxayna ku hanjabeen inay ka baxayaan gobolka haddii la meelmariyo.

Xeerka la soo jeediyay, oo hadda la tixgelinayo, ayaa  waxaa ku jira qodobbo si weyn u wanaajin kara xaaladaha shaqo ee darawallada.  Waxaa laga dhigayaa lacagta ugu yar ee la siinayo darawalada   $0.51 daqiiqaddii iyo $1.40 maylkiiba raacid kasta, iyada oo lacagtani ay kordheyso sanad walba marka loo eego  mishaar-bixinta ugu yar ee magaalada. Sharcigaan ayaa  siinaya  darawallada dakhli joogto ah  kana  ilaalinaya in laga faa’idaysto.  

Sharcigaan ayaa diirada saaraya daah-furnaanta, waxaa ku jira qodobo hubinaya in rakaabka  iyo darawallada labaduba ay helaan rasiidh faahfaahsan oo muujinaya  qiimaha, oo ay ku jirto qaybta loo qoondeeyay shirkadda rideshare. Daah-furnaantan ayaa ka caawin doonta  darawalada in si cadaalad ah loo siiyo ujradooda. 

Si loo hubiyo badqabka darawalka,   sharciga la soo jeediyay wuxuu qorsheynayaa in ujrada raacitaanka lagu bixiyo kaararka ay bangiyada bixiyaan kaliya oo magaca qofka ku qoran yahay taas oo ogolaanaysa in qofka la aqoonsado haduu xad-gudub gaysto.  

Xeerku waxa kale oo uu wax ka qabanayaa in darawalka shaqada laga joojiyo hadii dad bnadani ay ka qoraan cabashooyiin ama uu diido meelaha qaar. Waxaa la doonayaa in la sameeyo habraac rasmi ah oo darawaladu uga dacwoodaan go’aamadan oo kale, iyada oo la siinayo fursad ay kaga hortagaan hawl-joojin aan caddaalad ahayn kuna ilaaliyaan noloshooda.

Intaa waxaa dheer, sharciga la soo jeediyay wuxuu awood u siinayaa magaalada inay abuurto Hay’ad   aan faa’iido doon ahayn oo u heellan inay ka taageerto darawallada wacyi galinta, u doodista xaqooda , iyo matalaadda sharciga. Hindisahani waxaa uu caawin doonaa darawalada doonaya caawimaad.  

In kasta oo ay socdaan wada-hadallo heer gobol ah oo lagu hagaajinayo ujrada darawallada iyo xaaladaha shaqada, xubnaha golaha ee taageeraya xeerka la soo jeediyay waxa ay rumaysan yihiin in uu dhammaystirayo dadaalladan kana soo horjeedin.   Waxay hiigsanayaan  in la abuuro sharci wanaagsan Magaalada iyo gobolka oo dhan   si loo hubiyo in darawaladu helaan ujro  iyo ilaalinta ay mudan yihiin.

Shirka jaraa’id ka dib, Guddiga Ganacsiga, Kormeerka, Guryeynta iyo Aagagga ee golaha ayaa ansixiyay soo jeedinta, iyaga oo u gudbiyay  xeerka la soo jeediyay in loo qabto dhageysi dadweyne kaas oo la  qorsheeyay 8-da Agoosto.  

Dhanka kale, Gudomiye Tim Walz waxa uu ku dhawaaqay gudi ka shaqeeya cabashada darawalda, Eid Ali, oo ah  agaasimaha  MULDA, ayaa loo  magacaabay wakiilka darawallada. In kasta oo xidhiidhka Uber iyo Lyft ay ay go’een   tan iyo markii Walz uu istiocmaalay diidmada qayaxan ee hindise sharciyeedkii hore, darawaliintu waxay ku rajo weyn yihiin in sharciga la soo jeediyay uu  isbeddello wanaagsan ku soo biirinayo xaaladdooda shaqo iyo in la siiiyo ujro u qalanta  adeegyadooda muhiimka ah ee bulshada Minneapolis.

Sheekadan waxa soo tebisay oo xaqiijisay Sahan Journal.

Warbixinta 2aad:  Waxaa la gaaray xiligii la cusboonaysiinayay kaararka caafimaadka, dad badan ayaa is waydiinaya:    Sidee baan dib-isugu diiwaan galiyaa caymisyada caafimaadka ee Medicaid iyo MinnesotaCare inta aan la gaarin waqtiga kama dambaysta ah? 

Ku dhawaad 1.5 milyan oo reer Minnesota ah, oo ay ku jiraan kala badh dadka laga tirada bdan yahay  ayaa looga baahan yahay inay dib u codsadaan caymiska caafimaadka dawladda si ay u  ilaashadaan caymiskooda caafimaad. Isdiiwaangelinta tooska ah  ee Caawinta Caafimaadka iyo qaatayaasha MinnesotaCare intii  lagu guda jiray caabuqa COVID-19, ayaa dhammaanaysa sababtoo ah dawladda federaalku waxay hoos u dhigtay tallaabooyinka gargaarka degdegga ah.

 Taya Morgan oo ah ka faa’idaystayaasha barnaamijka, ayaa la wadaagtay sida Medicaid  u caawiyay saddexdeeda carruur  si ay u helaan daawayn ku haboon baahidooda.   Si kastaba ha ahaatee, dad badan, gaar ahaan kuwa laga tirada badan yahay ayaa halis ugu jira inay lumiyaan caymiska caafimaadka iyagoon ogayn sababtoo ah waxaa laga yaabaa inaysan helin ama waraaqaha cusboonaysiinta lagu diray cinwaano hore. 

Sida ay sheegtay Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Minnesota (DHS),  225,000 iyo 375,000 oo qof ayaa halis ugu jira luminta caysmiska caafimaadka  isbeddelkan dartiis. Tirooyinka ayaa muujinaya in dadka laga tirada badan yahay  ay aad u saameyn doonto, taasoo ka dhigaysa ku dhawaad kala bar kuwa u baahan inay dib isu diiwaan geliyaan, inkastoo ay ka   20 boqolkiiba ka yihiin dadweynaha gobolka.

Dadka ka diiwaangashan Medical Assistance iyo MinnesotaCare waa in ay dib u codsadaan waqti cayiman gudahood si ay u sii wataan helitaanka caysmiska daryeelka caafimaadka. Foomamka dib u cusboonaysiinta waxaa lagu soo diri doonaa boostada, dadka qaatana waxay haystaan 45 maalmood inay ku soo celiyaan foomamka countiga ay ku nool yihiin si loo cusboonaysiiyo. Koox koox ayaa dadka loogu cusboonaysiin doonaa  laga bilaabo Juulay ilaa dhamaadka sanadka. Dad lagu qiyaasay  100,000 oo qof ayaa ku jira kooxda kowaad.

Maamulka gobolka ayaa ka caawinayo dadka sidii ay dib isugu diiwaan galin lahaayeen. Caawimaada waxaa ka mid ah Xarumaha wicitaanku oo ay ka shaqeeyaan dad ku hadla luqado kala duwan. Shabakadana waxay ka caawinaysaa dadka in ay ogaadaan waqtiga looga baahan yahay in ay dib u cusboonaysiiyaan iyaga oo isticmaalaya kiis nambarkooda.   Dadka bedelay halka ay degan yihiin  ilaa 2019 waxay sixi karaan macluumaadkooda iyaga oo u mara wadooyin kala duwan, oo ay ka mid tahay onlineka, inkasta oo wali looga baahan yahay inay buuxiyaan foomamka boostada.

Dadka codsiga cusboonaysiinta kaarka caafimaadka la soo daahay waxaa laga codsanayaa in ay soo diraan formka sababtoo ah dadka qaata Medical Assistance waxay xaq un leeyihiin in la siiyo.  Guud ahaan, gobolku wuxuu hiigsanayaa inuu yareeyo caqabadaha helitaanka daryeelka caafimaadka wuxuuna ku boorrinayaa dhammaan shakhsiyaadka ay saamaysay inay  dib isu diiwaan geliyaan si loo xaqiijiyo caymiska joogtada ah.

Sheekadan waxa soo tebisay oo xaqiijisay Sahan Journal.

Sheekada 3:  Warbixinta 3aad: Waa maxay barnaamijka kafaalaqaadka qaxootiga ee “Welcome Corps”, sideese u caawinayaa qaxootiga imanaya Maraykanka? 

Mareykanka ayaa daaha ka qaaday barnaamijka “Welcome Corps” oo ah hindise noociisa aan hore loo samayn Mareaykanka kaas oo u  oggolaanaya dadwaynaha  iyo ururrada bulshada   inay kafaala-qaadaan qaxootiga magan-galyo doonka ah, tallaabadaas oo ay soo dhaweeyeen uruada  u dooda xuquuqda muhaajiriinta ayaa  ku tilmaamay tallaabo wanaagsan. Barnaamijka, oo ay ku dhawaaqday Wazaarada  Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, ayaa dadweynaha guud siinaysa fursad ay dhaqaale ahaan ku taageeraan qaxootiga ku imanaya Barnaamijka Ogolaanshaha Qaxootiga ee Maraykanka oo loo yaqaan (USRAP).

Dad ka kooban ugu yaraan shan qof  oo haysta dhalashada Maraykanka ama deganaanshaha rasmiga ah, ayaa la filayaa inay ururiyaan ugu yaraan $2,275 halkii qaxooti ee la kafaalo qaado. Intaa waxaa dheer, waa inay ku baasaan baaritaanka amniga,  lana imaadaan qorshe taageero oo dhammaystiran oo ay qaxootiga ku  kafaala qaadayaan. Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ugu yeedhay “Welcome Corps”  qorshaha ugu muhiimsan ee dib u dejinta qaxootiga afartan sano, isaga oo ujeedadiisu tahay in laga faa’iidaysto awooda iyo kartida dadka Maraykanka  ee qaybaha kala duwan ee bulshada si ay qaxootiga u kafaala qaadaan. 

Ururada  u dooda qaxootiga, oo doonaya in madaxwayne Biden uu qaado tallaabo dheeraad ah  si wax looga qabto xasaradaha qaxootiga adduunka ee sii kordhaya, ayaa si diiran u soo dhaweeyay hindisaha. Si kastaba ha ahaatee, Ururada u dooda xuquuqda qaxootiga iyo maamulka Biden ayaa isku haya siyaasadaha socdaalka ee muranka dhaliyay, oo ay ku jiraan xayiraadaha  lagu xakameeyo imaatinka muhaajiriinta iyo qaxootiga soohdinta koonfureed ee Mareykanka iyo Mexico.

Ugu horrayn, “Welcome Corps” waxa lagu dabaqi doonaa oo keliya qaxootiga hore loogu oggolaaday in ay imaadaan  Maraykanka. Si kastaba ha ahaatee, waxaa socda qorshayaal loogu oggolaanayo kafaala-qaadayaasha gaarka ah inay kafaala qaadaan dadka ay iyaga doonayaan mar danbe.   Hadafka ayaa ah in la  helo ugu yaraan 10,000 oo Maraykan ah oo kafaala-qaadayaal gaar ah,  keenana ugu yaraan 5,000 oo qaxooti ah inta lagu jiro barnaamijka sanadka ugu horeeya – Barnaamijkaan oo kale ayay Kanada hirgalisay. 

Maraykank ayaa lagu dhaleeceeyay xakamaynta tirada soo galootiga  markii uu madaxweyne Biden la wareegay xafiiska horraantii 2021. Ka dib markii madaxweynihii hore  Donald Trump uu uu aad hoos ugu dhigay tirada soo galootiga, Bidenayaa kor u qaaday  gaarsiiyayna 125,000 qaabilaadda qaxootiga sannad xisaabeedka bilaabmaya Oktoobar 1, 2022. Si kastaba ha ahaatee, xogtu waxay muujineysaa in kaliya  6,750 qaxooti ah ay yimaadeen intii u dhaxeysay Oktoobar iyo Disembar, taasoo keentay walaac ku saabsan magangalyo-doonka ku sugan xadka Mareykanka iyo Mexico.

Waxaa arrinka ooga sii daray, tallaabada maamulka Biden uu ku ballaarinayo  qodobka  42aad ee  siyaasadda socdaalka ee uu bilaabay maamulka Trump, taas ayaa ka caraysiisay kooxaha u dooda xuquuqda soogalootiga. Shircigaan  ayaa u oggolaanaya mas’uuliyiinta Mareykanka in ay iska celiyaan inta badan magan-galyo-doonka xadka iyaga oo ku andacoonaya la dagaalanka COVID-19. In kasta oo maamulka Biden uu markii hore doonayay inuu joojiyo  hirgalinta siyaasadaas, diidmada gobolada jamhuuriga maamulaan ayaa meesha ka saartay in sharcigaas la laalo. 

Iyada oo ay jiraan caqabadahaas, barnaamijka “Welcome Corps” ayaa lagu ammaanay inuu yahay hal-abuur iyo xal cusub oo wax looga qabanayo isbeddellada socdaalka adduunka. U doodayaasha ayaa ku doodaya in kafaalaqaadka gaarka ah ee noocan oo kale ah ee qaxootiga, oo ay weheliso xulashooyinka sii-daynta sharafeed ee cusub, ay ugu dambeyntii yareyn doonto cadaadiska xadka meeshana ka saari doonto soo rogida xaddidaadyo dheeri ah oo lagu sameeyo magangalyo-doonka.

Sheekadan waxaa soo tebisay oo xaqiijisay Aljazeera.

Tags

About the author

admin

Add Comment

Click here to post a comment