Home » Isbedel miyay helayaan dartawalada takaasida Minneaplois? 
Business and work

Isbedel miyay helayaan dartawalada takaasida Minneaplois? 

Credit Aaron Nesheim/Sahan Journal

Sharci lagu doonayo in sare loogu qaado khidmada ay helaan darawaladaUber/Lyft ee magaalada Minneaplis ayaa ka gudbay gudi hoosaadka golaha magaalada, taas oo waddada u xaaraysa in dhamaan golaha magaalada ay u codeeyaan. 

Shariga la soo jeediyay ayaa sheegaya in  darawalada la siiyo  ugu yaraan  $0.51 daqiiqadii iyo $1.40 halkii mayl inta ay wadaan qofka.  Qiimahaan ayaa isbedel lagu samayn doonaa sanadkasta iyada oo lagu salaynayo  mushaharka ugu yar ee la bixiyo magaalada.

Guddiga Ganacsiga, Kormeerka, Guriyeynta & Sooneynta ayaa si wadajir ah u ansixiyay xeerka  kalfadhi la qabtay galabnimadii Talaadada. Sharcigaan cusub ayaa loo gudbiyay golaha magaalada si ay u tix galiyaan qiimayna ugu sameeyaan.  

Robin Wonsley oo ah xildhibaanka soo jedinta sharcigaan ka danbeeyay, ayaa carabka ku adkeeyay in xeerka looga dan leeyahay in lagu daboolo baahida dadka reer Minneapolis, isaga oo diiday in heer gobol lagu xaliyo.  Xildhibaan  Michael Rainville oo u codeeyay sharcigaan ayaa ka dahwaajiyay in uu macluumaad dheeri ah doonayo ka hor inta ayanan dhamaan golaha   u codaynin. 

Xeerkaan cusub ayaa taageero buuxda ka helay darawalada takaasida iyo dadwaynaha. Farxan Betel oo ah darawal wada Uber ayaa sheegay intii lagu guda jiray dhageysiga dadweynaha in  darawalada ka shaqeeta Minneapolis ay ka faa’idaysan doonaan sharcigaan.  Betel ayaa xusay in hotelada, goobaha shirarka, iyo ganacsiyada ay ka faa’idi donaan.  

Waxaa xusid mudan, in  Ururka Darawalada ee Minnesota Rideshare (MRDA) ay ka soo horjeesteen sharciga  iyaga oo doonaya in laga qayb galo gudiga gaarka ah ee uu gudoomiye TIM Walz magacaabay.  Xubnaha MRDA waxay ku doodeen in gudiga gaarka ah ee heerka gobol ay keeni doonaan sharci dhamaystiran oo daboolaya  gobolka oo dhan.  Xildhibaan Wonsley ayaa ku dooday in loo doortay in ay wax ka qabtaan baahiyaha dadka reer Minneaplis oo ay mas’uuliyad ka saaran tahay in ay si toos ah wax uga qabtaan arrimaha deegaanka.

Taageerayaashai xeerkan, sida darawal Axmed Axmed, waxay u arkaan tallaabo wanaagsan oo hore loo qaaday. Axmed ayaa ku dooday in xitaa hadii sharcigaan ku ekaado Minneapolis kaliya ay ujradooda sare u kacayso, xuquuqdoodana la ilaalinayo.  

Xildhibaan Jamaal Cismaan,  oo isna taageersan hindisahaan ayaa qiray kala aragti duwanaashaha xubnaha golaha,   halka saaxiibkii  Jason Chavez uu rajo ka muujiyey isbedelka wanaagsan ee uu keenayo sharcigaan hadii la meel mariyo. 

Waxaa la qorshaynayaa in golaha deegaanka idil ahaantood  u codeeyaan hindise-sharciyeekaan bisha 8aad 17keeda.  Waa in si aqlabiyad ah loogu codeeyo, waxaana suurta gal ah in duqa magaalada Jacob Frey uu u isticmaalo diidmada qayaxan. Hadii uu duqa magaalada isticmaalo diidmada qayaxan, waxaa loo baahan yahay codka 9 xildhibaan si meesha looga saaro didmda qayaxan ee duqa Magalda.   

Hindise-sharciyeedkaan ayaa abuuray dood ku saabsan in   deegaannada deriska ah ay hoos yimaadaan Minneapolis. Xildhibaanada ayaa ku dooday in shirkadaha takaasida ay dib u habayn ku samayn doonaan khariiradha.   

Saamaynta Hindise-sharciyeedkaan uu ku yeelanyo shirkadaha Uber iyo Lyft ayaa iyadana dood adag ka taagan tahay, Uber iyo lyfna waa ay ku kala aragti duwan yihiin.   Af hayeenka Uber Freddi Goldstein, oo qayb ka ah guddiga uu magacaabay   Guddoomiyaha gobolka Walz, ayaa sheegtay in gudigaan ay ka shaqaynayeen welwelka darawallada  gobolka oo dhan. Taas bedelkeeda, Lyft ayaa ku tilmaamtay xeerkaan in uu yahay mid hore loo diiday. 

Hindise-sharciyeedkaan  Minneapolis waxa uu ka tarjumayaa qaybo ka mid ah tallaabooyinka lagu guulaystay ee laga sameeyay magaalooyinka kale ee Maraykanka. Seattle, tusaale ahaan, waxay hirgalisay xeer sanadkii 2020kii kaas oo dejiyay ujrada ugu yar ee darawalada kana ilaalinaya hawl-joojin xaqdaro ah. hindise -Sharciyeekaan Minneapolis  ayaa lla mid ah kan Seattle, halka xildhibaan  Wonsley uu iftiimiyay in xeerku aanu faragelinayn sharciga heer gobol.

Marka ay soo dhawaato cod bixinta 17-ka Agoosto, dadka degan Minneapolis iyo darawalada   ayaa sugaya go’aanka golaha deegaanka ee sharciga la soo jeediyay, kaas oo horudhac u noqon kara khidmad-bixin cadaalad ah iyo hagaajinta xaaladaha shaqada  darawalada magaalada.

Credit Aaron Nesheim/Sahan Journal

About the author

Abdirizak D

Add Comment

Click here to post a comment