Home » Sidee bay dadka reer Minnesota ee aan sharciga lahayn u codsan karaan shatiga darawalnimada? 
Uncategorized

Sidee bay dadka reer Minnesota ee aan sharciga lahayn u codsan karaan shatiga darawalnimada? 

Waaxda Badbaadada Dadweynaha ee Minnesota ayaa ku dhawaaqday in dadka aan sharciga haysan ay hadda ballan ka samaysan karaan goobaha Adeegyada Darawalka iyo Gaadiidka (DVS) ee gobolka oo dhan si ay u bilaabaan codsiga shatiga darawalnimada. Horumarkan ayaa imaanaya iyadoo sharciga Driver’s Licenses For All  la saxiixay horaantii sanadkan, waxaana lagu wadaa inuu dhaqan galo Oktoobar 1deeda. Sharciga cusub wuxuu meesha ka saarayaa shuruudaha laga doonayo codsadaha sida in ay  caddeeyaan degenaanshaha sharciga ah ee Mareykanka marka ay codsanayaan shatiga darawalnimada ama kaarka aqoonsiga ee gobolka .

Jody-Kay Peterson, oo ah agaasimaha waaxda darawalada iyo adeegyada gaadiidka ee gobolka, ayaa ku faraxsan isbeddelka soo socda, iyada oo sheegtay, “Waxaa noo hadhay saddex toddobaad iyo saddex maalmood  keliya hirgelinta sharcigaan.”

Peterson ayaa shir jaraa’id ka sheegtay sida loo codsan karo shatiga darawalnimada.   Ballamaha waxaa la qabsan katraa ilaa 30 maalmood ka hor iyada oo la marayo website-ka waaxda ama waxaad wici kartaa  nambarkaan (651) 284-1000. Codsadayaashu waa inay wali la yimaadaan dukumiintiyo gaar ah si ay u codsadaan shatiga, liiska dukumintiyada la aqbalayo waxaa laga heli karaa shabakada Adeegyada Darawalka iyo Gaadiidka. Waxa xusid mudan, dukumeenti ku qoran afafka qalaad waa in turjumaan shahaado haysto u turjumaa ingiriis balanta ka hor. 

Marka la eego baahida la filayo, Peterson waxay sheegtay in ballantu si dhaqso ah u buuxsami karaan, marka la eego 81,000 ee reer Minnesota ah oo aan haysan sharci una qalma codsiga shatiga darawalnimada.  Marka ballamaha si buuxda loo ballansado, codsadayaasha, iyaga oo aan loo eegin xaaladdooda socdaalka, waxay iska qori karaan liiska sugitaanka si loogu sheego boosaska bannaan.

Si loo helo shatiga darawalnimada, codsadayaashu waxay u baahan doonaan inay ka baasaan  imtixaan aqooneed, oo ay ku xigto ogolaansho ku meel gaar ah. Dadka da’doodu tahay 19 iyo wixii ka weyn waa inay bartaan wadista gaariga ugu yaraan sadex bilood inta aysan galin imtixaanka wadista gaariga. Codsadayaasha da’doodu   18  ay ka yar tahay waa inay bartaan wadista gaariga  lix bilood  ka hor inta aysan u qalmin imtixaanka wadada. Nidaamka oo dhan, oo ay ku jiraan isku dayga imtixaanku, wuxuu qaadan karaa inta u dhaxaysa saddex ilaa lix bilood, iyadoo ku xidhan sida qofka u diyaar garoobo.

Imtixaanka aqoonta waxaa lagu heli karaa siddeed luqadood, oo ay ku jiraan Ingiriisi, Soomaali, Hmong, Fiyatnaamiis, Ruush, Karen, Isbaanish, iyo Luqadda dhagoolayaasha Maraykanka. Waxa kale oo lagu gali karaa iyada oo qofka si toos ah oga jawaabayo su’aalaha, turjubaannada waa la oggol yahay haddii loo baahdo.  Waxaa jira nuqul maqal ah oo horay loo duubay  oo ay imtixaan-galayaasha dhagaysan karaan iyada oo ingiriis ah.

Si loogu diyaar garoobo kor u kaca la filayo ee codsiyada, DMV  waxay shaqaaleysiin doonaan 12 imtixaan qaadayaal iyo afar leesan bixiye si loo kordhiyo  shaqaalaha. Peterson waxaa ay u xaqiijisay in shaqaalaysiinta iyo tababarka ay si habsami ah u socdaan si ay u daboolaan baahida la filayo.

Codsadayaasha doonaya macluumaad dheeraad ah iyo taageeero waxay booqan karaan drive.mn.gov. Websaydhku wuxuu u oggolaanayaa isticmaaleyaasha inay ku soo gudbiyaan su’aalaha Ingiriisi, Hmong, ama Isbaanishka, luqado kale oo badana waa lagu turjumay.