Home » Guddiga Qorshaynta iyo soonaynta Shakopee miyay ka noqdeen codaynta dib u soonaynta mashruuca guryaynta la awoodi karo ee Prairie Pointe?
Uncategorized

Guddiga Qorshaynta iyo soonaynta Shakopee miyay ka noqdeen codaynta dib u soonaynta mashruuca guryaynta la awoodi karo ee Prairie Pointe?

Hormar dhawaan la sameeyay, Guddiga Qorshaynta Shakopee waxay u codeeyeen inay ka noqdaan codbixin hore la ansixiyay oo dib u soonayn ah oo loogu talagalay goobta laga dhisayo guryo kiradoodu jaban tahay ee  mashruuca Prairie Pointe. Go’aankani wuxuu astaan u yahay dhamaadka waxa sifeeyay isku dayo ay mas’uuliyiinta magaaladu ku joojinayeen mashruuca cadaadis dadweyne awgeed.

Mashruuca guryaynta  Prairie Pointe, oo ay gacanta ku hayso  Beacon Interfaith Housing Collaborative, ayaa u adeegta macaamiil  90% ah dadka laga tirada badan yahay.  Ka noqoshada codeynta dib u soonaynta ayaa u ogolaanaysa mashuura in la hir galiyo.  

Waxaa muhiim ah, in Go’aanka  komishanka ee ajandaha oga saareen cod u qaadista dib u soonaynta ayaa ka hortagaya golaha deegaanka iyo mas’uuliyiinta magaalada inay dib u eegaan arrintaan, sida uu sheegay Michael Kerski, agaasimaha qorsheynta iyo horumarinta magaalada.

Ku dhawaad 50 qof ayaa ka soo qayb galay kulanka komishanka, iyadoo badi ay muujiyeen taageerada mashruuca Prairie Pointe iyo Beacon. Lixda xubnood ee guddiga   ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay ka noqoshada codeynta dib u  soonaynta, taasoo keentay in dad badan u riyaaqeen. Wax dood ah oo la sameeyay ma jirin codbixinta ka hor. 

Kaamil, oo ah wakiil ka socday Beacon, ayaa muujiyay nafis, kuna amaanay madaxda bulshada sida ay u taageen mashruuca. 

Go’aankii ugu horeeyay ee dib-u-soonaynta goobta mashruuca si loo waafajiyo aragtida Beacon  ayay golaha deegaanka qaateen 2020kii. Haseyeeshee, warbixinada ka soo horjeedaa hormarkaan iyo mucaaradka ayaa ku dhiiri galiyay hogaanlka magaalada in ay sameeyaan dib-u-qiimayn taasoo keentay in  guddiga qorsheynta  ay goobta ku celiyaan meeqaamkii hore.

 iimaylka ay heshay Sahan Journal ayaa muujinaya  kala duwanaasho sida magaalada u wajahday arrintaan.  Magaalada waxay u sheegtay Beacon in aan loo baahnayn in la sameeyo kulan dadwayne  sababo la xiriira COVID-19. Laakiin, mas’uuliyiinta magaalada ayaa markii dambe ku adkeystay in dib loogu soo celinayo codeynta, iyagoo sabab uga dhigaya maqnaanshaha shirka xaafadda.

Go’aanka komishanka ee dhawaantan waxa uu daba socday talo ka timid Kerski oo ahayd in laga noqdo codaynta dib u celinta. Beacon ayaa soo dhoweysay taladan, isagoo rajo ka muujiyay in Guddiga Qorsheynta uu ayidi doono. Dhismaha mashruuca Prairie Pointe ayaa lagu wadaa inuu bilaabmo guga soo socda.

Beacon ma filayso dib u dhac ku yimaada helitaanka shatiyada lagama maarmaanka u ah horumarinta Prairie Pointe. Walaaca ku saabsan guryaha Beacon ee Minneapolis iyo St. Paul ayaa ee lagu baahiyay  warbixino hore kuwaas oo qayb ahaan, gacan ka geystay mucaaradnimada dadweynaha iyo dadaalladii dib u habeynta ee ay sameeyeen hoggaamiyeyaasha magaalada.

Ugu dambayntii, go’aankii dhawaan lagala noqday codeynta  dib-u-soonaynta ayaa soo afjaraysa go’aanka muranka dhaliyay ee taariikhda mashruuca guryaynta Prairie Pointe.

About the author

Abdirizak D

Add Comment

Click here to post a comment